Maxaa loo sameeyey boggan macluumaadka ah?

Waxaynu maraynaa desember 2020, waxaana 10 bilood ka soo wareegtay markii fayrusta koroona (covid-19) ay timi Noorway. Haddii aannu nahay Ururka Dadka Naafada ah ee Noorway waxa na soo gaadhay farriimo sheegaya in loo baahan yahay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda koroonada oo loogu talogalay dadka ku hadla luuqadaha kale ee qaba naafonimo/laaxad-yaraan. Taas darteed ayaanu u samaynay boggan macluumaadka ah isla markaana ugu turjunay dhowr luuqadood, annagoo rajaynayna  in uu gaadhi doono dadka u baahan. Qayb ayaa ka kooban macluumaad ku saabsan koroonada, qaybna adeegyada kala duwan ee qofka naafada ah ama ehelkiisu u baahanyihiin, iyo tilmaamo ku saabsan meelo kale oo laga heli karo macluumaad.

Boggan internetka ah wuxu ka mid yahay mashruuca «Labo goor laga tiro badanyahay, laba goor nugul», oo taageero ka hela IMDI. Waxa kale oo aannu haynaa boostaro ka kooban macluumaad ku saabsan fayrusta koroonada, oo la soo dejisan karo lana daabacan karo.

Korona-poster-somalisk

Markii ugu horaysay ee koroonada laga helay Noorway waxay ahayd bishii febraayo, isla markaana bilihii maarso – abriil  waxa si weyn loo xayiray hawlihii bulshada sababtoo ah tiradadii faafitaanka. Bishii oktoober waxa bilaabmay xayiraad cusub waayo waxa kor u kacay tiradii dadka qaaday fayrusta, isla markaana dawladu waxay talaalka dadweynaha bilaabaysa  27-ka desember.  Kadib saddexdii toddobaad ee u horeeyey faafitaanka fayrusta waxa la arkay in dadka aan ku dhalan Noorway ku badnaayeen tirada koroonada marka la barbardhigo dadka kale. Dadkaas waxa si gaar ah ugu badnaa qaaditaanka fayrusta, darnaanta xanuunka ku yimaada iyo jiifitaanka cisbitaalka, iyo in ay u geeriyoodaan fayrusta koroonada.

Cilmi-baadhayaashu waxay farta ku fiiqeen sababo keeni kara in tirooyinkoodu ka bataan inta dadka kale:

  1. Macluumaad la’aan, ama in aanay helin macluumaad lagu bixiyey afkooda hooyo. In aanay haysan kombuutar, moobayl casri ah ama alaabo kale laga heli karo macluumaadka.
  2. In guryahoodu yihiin ciriiri, taasoo keenaysa in si fudud loo kala qaado fayrusta.
  3. Haddii qofku ka yimi waddan aan lagu kalsoonaan karin dawladiisa, waxa dhici karta in laga shakiyo macluumaadka ka imanaya dawladda Noorway. Waxa dhici karta in laga cabsado in la iska qaado tijaabada fayrusta koroonada, ama la is talaalo. In qofku qabo shaki noocaas ah waa wax la fahmi karo, laakiin si loogu guulaysto fayrusta halkan Noorway, waxa muhiim ah in qofku ku kalsoonaado macluumaadka la siiyo kuna dhaqmo xeerarka. Waa in qofku iska qaado tijaabo haddii uu ka shakisanyahay inuu qabo koroonada, waxaana wacan in qofku qaato talaalka marka ay diyaar tahay.
  4. Ajnabiga jiilka koowaad ah waxa ku yar ku xirnaanta suuqa shaqada, oo cilmi-baadhayaashu waxay u malaynayaan in arrintaasi keeni karto inay u nuglaadaan qaaditaanta koroonada, iyo inay sii qaadsiiyaan dad kale: «Ka cabsashada waayitaanka dhaqaalaha ayaa ka hor istaagi karta iska qaadista tijaabada iyo gelitaanka karantiilka iyo gooni-u-baxa, marka ay yihiin dad aan xaq u lahayn lacagta xanuunka ama xiriir badan la lahayn suuqa shaqada.» (regjeringen.no/no/aktuelt/ny-sisetter-i-gang-strakstiltak-for-a-fa-ned-smitten-blant-innvandrerede/id2790508)
  5. Qaar badan oo ka shaqeeya meelo aan tixgelin xaaladda koroonada. Waa la fahmi karaa marka in qofka shaqaalaha ah ay ku imanayso xaalad cadaadis ah, laakiin cida loo shaqaynayo waxa sharcigu ku waajibiyey inay tixgeliyaan arrintaas. (utrop.no/nyheter/nytt/234878)
  1. Waxa dhici karta in ceeb loo arko qaadista fayrusta koroonada, oo ay taasi dadka ka hor istaagi karto iska qaadista tijaabada. Waxa muhiim ah in la sheego in aanay ceeb ahayn qaadista fayrustu, qof kasta ayaa qaadi kara, kumana xirna qaabka qofku u noolyahay. Nasiib-darro fayrustu si isku mid ah wax uma yeesho dadka qaada, dadka qaar waxba ma dareemaan, halka dad kalena, weliba kuwa ka mid ah kooxaha nugul, waxay ku keeni kartaa geeri.
  1. Dadka qaar ayaa aaminsan in la ganaaxayo ama la ciqaabayo haddii laga helo koroona, ama haddii uu qaadsiiyey dad kale. Run maaha, laakiin qofka waxa la siin karaa ganaaxyo waaweyn haddii uu dad ka badan inta la ogolyahay isugu keeno hal meel, haddii uu ka qaybgalo qabanqaabo ay joogaan dad ka badan intii la ogolaa, ama haddii uu ilaalin karantiilka sharcigu ku waajibiyey tusaale ahaan haddii uu joogay waddan kale ama u dhawaaday qof laga helay koroona.

Hordhac

Marka aad tahay qof naafo ah /laxaadkiisu dhimanyahay, maaha in aad weydo xuquuqdaada inkastoo lagu jiro xaalada cudur safmar ah. Haddii adeeg aad xaq u leedahay la xiro marka la soo rogo xayiraado, waa in dawladdu weli ku siiso xaqaaga. Waxannu aragnay in farqi weyn u dhexeeyey sidii la rabay iyo sida wax noqdeen markii bulshada lagu soo rogay xayiraad bishii maarso, imikana innagoo ku dhow dhamaadkii 2020, waxa ururada u dooda xuquuqda iyo dawladu soo ururisay waayo-aragnimada ku saabsan qaabka safmarku u saameeyey kooxada dadka ee kala gedisan. Macluumaadka ku qoran boggani waxa uu ku saabsanyahay su’aalaha inta badan nala weydiiyo.

IMDI waxay samaysay tusmo wacan oo ka kooban meelaha laga helayo macluumaad ku qoran luuqado kale oo ku saabsan dhinacyada kala duwan ee xaaladda koroonada: imdi.no/nyttige-nettsider-pa-andre-sprak

Hay’adda Agaasinka Caafimaadka tusmadeeda ka kooban macluumaad ku saabsan koroonada ku qoran luuqado kala duwan: helsedirektoratet.no/english/corona/information-in-other-languages-covid-19

Machadka Caafimaadka Dadweynaha tusmadiisa ka kooban macluumaad ku saabsan koroonada ku qoran luuqado kala duwan: fhi.no/nettpub/coronavirus/infomateriell/generell-informasjon-koronavirus-pa-flere-sprak/?fbclid=IwAR0K9b9rt-auq4qFWZYjMImx6CmcyeRahtslWTnnNmGelyf40bWJ4QwxbHY

War-saxaafadeed soo baxay 15-kii desember oo ku saabsan xaaladda koroonada kuna baxaya luuqado kala duwan: regjeringen.no/no/aktuelt/koronasituasjonen-pressekonferanse-med-justis-og-beredskapsministeren-og-helse-og-omsorgsministeren-tirsdag-15.-desember/id2791652/

Caawimada gaarka ah ee isticmaaluhu maamulanayo (BPA)

Kolay waad ogaatay codsiga dawladda ee ku saabsan in si wacan loo dhaqo gacmaha, lana isticmaalo saabuun iyo biyo diiran – in nadaafadda gacmaha aad caado ka dhigataan adiga iyo kaalkaaliyuhu ay muhiim tahay! Taasi waxay keenaysaa in adiga iyo kaalkaaliyuhu ka hortagaysaan qaadista fayrusta. Marka nadaafadda gacmaha la hagaajiyo waxa iyana muhiim ah inaad maamule-shaqo ahaan is faham wacan la yeelatid kaalkaaliyeyaasha! In is faham wacan la yeesho waxay meesha ka saaraysaa is faham la’aanta waxaanay yaraynaysaa walaaca/shakiga. Markaa; dhaqa gacmaha oo wadahadla!

Marka laga tago liiskaas waxa muhiim ah inaad la socoto macluumaadka ay degmadaada ama xaafadaadu, bixiyaha BPA iyo Machadka Caafimaadka Dadweynuhu  soo saaraan. Haddii aanay degdeg ahayn, eeg boggooda internetka inaad ka hesho jawaab ka hor intaanad wicin.

Shaqaalaha bulshadu ka maarmin: Kuwa qabta shaqooyinka caawimada gaarka ah ee isticmaaluhu maamusho (BPA) waxa loo arkaa inay yihiin shaqaalo bulshadu ka maarmin.

Ilaalinta carruurta kaalkaaliyeyaasha: Carruurta shaqaalaha haya shaqooyin bulshadu ka maarmin waa in la siiyo fursad ku saabsan xanaano, iskuul ama fursad kale oo maalintii ah.

Waalidka naafada ah ee isticmaala saacado kaalkaaliye ah maadaama carruurtu joogto guriga: Ka warayso masuulka kiiskaaga ee degmada/xaafadda in laguu kordhin kari saacadaha sababtoo ah xaaladda koroonada. Ogow inaad sannadkiiba haysato tiro saacado ah. Markaa saacado dheeraad ah ayaad isticmaali kartaa muddo (sida hadda), waxaanad yarayn kartaa muddo kale, waxa keliya ee lagaa rabaa inaad dhaafin saacadaha aad leedahay marka sannadku dhamaado.

Xeerarka wakhtiyada shaqada: Bixiyeyaal badan ayaa kordhiyey xeerarka wakhtiyada shaqada safmarka dartii. Eeg macluumaadka ku qoran bogga internetka ee bixiyaha ama la xiriir la-taliyaha BPA.

Ehelka oo noqda kaalkaaliye: Bixiyaha ka codso inuu degmada kala balamo in la isticmaalo qof ehel ah (ehel waxa laga wadaa hooyo, aabo, walaalo, xaas/sey, carruur iyo carruurta loo yahay awoow/ayeeyo) haddii aad sababo kala duwan dartood aad u baahantahay. Caadi ahaan waa in degmadu ogolaato isticmaalka ehelka. Degmooyin badan ayaa hadda iska dhaafay shuruudkaas. Sidaa si la mid ah waxa sameeyey xaafadaha Oslo, oo xaafado badan ayaa shuruudkaas iska dhaafay inta lagu jiro safmarka.

Qorsheyaasha diyaargarowga: Haddii aad ka mid tahay dadka nugul iyo/ama aanad helin caawimada aad u baahantahay oo sababtu tahay xaalada safmarka, la xiriir bixiyahaaga BPA ama masuulka kiiskaaga ee degmada/xaafadda oo dhegayso in ay sameeyeen qorshe diyaargaraw oo ku saabsan nidaamkaaga.

Nadaafadda gacmaha: Machadka Caafimaad Dadweynaha ayaa sameeyey hage wacan: fhi.no/nettpub/handhygiene

Kooras bilaash ah oo loogu talogalay kaalkaaliyeyaasha

Iskaashatada Fagforbundet waxay bixisaa kooras bilaash ah oo loogu talogalay kaalkaliyeyaasha ku jira xaaladan: fagifokus.no/available-courses/?fbclid=IwAR2o9-50m7zMoIWlv7dWoz-4L3m7pPn_7u17TqKT8D1anYAUTfhn368sivc 

Waa inaad is diiwaangeliso si aad u heli karto koorasyada ku jira “Fag i fokus», laakiin waa wax fudud oo degdeg ah.  Bixiyeyaal BPA oo badan ayaa iyaguna bixiya koorasyo kala duwan oo ku saabsan ka hortagga faafitaanka. Waxay noqon karaan koorasyo lagu qaadanayo internetka iyo fiidyow ahaan. La xiriir bixiyehaaga si aad u ogaato tabobarada ka hortagga faafitaanka ee ay siiyaan maamulayaasha shaqada iyo kaalkaaliyeyaasha.

Cinwaano muhiim ah oo faa’ido leh

Dadka wax arkin ama aragga indhuhu liito

Dadka wax arkin ama aragoodu liito waxa ku adkaan kara inay ilaaliyaan in labo mitir ka fogaadeen dadka kale, waxaanay inta badan isticmaalaan gacmaha si ay u ogaadaan meesha ay marayaan marka ay ku jiraan qol ama tusaale ahaan saaran yihiin baska. Taas darteed waxay si gaar ah ugu nugulyihiin inay qaadaan fayrusta. Baadhitaan uu saameeyaan Ururka Dadka Wax Arkin (Blindeforbundet) ayaa muujiyey in qaar badan aanay rabin inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha xilliga safmarka, iyo in ay soo bateen kuwa dareemay kelinimo iyo go’doon: vl.no/reportasje/2020/08/07/to-meters-avstand-for-meg-er-umulig

Macluumaad ku saabsan wehelka oo laga soo qaatay bogga Ururka Dadka Wax Arkin – blindeforbundet.no/om-blindeforbundet/smitteveileder:

Caadi ahaan waxa wacan in qofku wato wehel u gaar ah. Haddii adigu aad wehel u tahay ka qaybgalayaasha ama dad wehel u ah dad badan, waxa muhiim ah nadaafadda gacmaha – gaar ahaan haddii aad loo baahanyahay inaad caawiso dad kale.

  • Meelaha faafitaanku ku badanyahay, ama haddii ay jiraan arrimo kale oo sheegaya in ay haboontahay in la taxadarro, waxa haboonaan kara in la isticmaalo af-dabool marka qofka la daadihinayo. Hubso xeerarka ka jira meesha aad joogto, oo ka eeg helsenorge.no: https://www.helsenorge.no/koronavirus/munnbind
  • Adiga iyo qofka aad u tahay daadihiye waa inaad gacmaha ku nadiifisan daawo ka hor iyo ka dib daadihinta.
  • Haddii la haysto boos ku filan, tusaale ahaan socod lagu jiro, waxannu ku talinaynaa in la isticmaalo ul ama wax la mid ah oo dhererku yahay hal mitir si loo daadihiyo qofkaas. Waa in in usha la nadiifiyo haddii dad kale isticmaalayaan. Waa in si la mid ah loo nadiifiyo gacmaha.

Madnuuca booqashada dadka qaba dib u dhac garaad

Xilliga safmarka waxa 2700 qof oo qaba dib u dhac garaad lagu soo rogay madnuuc booqasho sababtoo ah ka hortagga faafitaanka fayrusta. Arrintaasi waxay ahayd arrin adag oo soo martay iyaga iyo ehelkoodaba, waxaanay ahayd madnuucis booqasho oo sharcidarro ah. Ururka Noorway ee Dadka Garaadka Dhiman ayaa arrintaas diiradda saaray: nfunorge.org/Om-NFU/NFU-bloggen/hva-skar-seg-hvorfor-kom-besoksforbudene.

Adeegyada turjumida ee dadka ajnabiga iyo dhegoolayaasha

Dadka dhegoolayaasha ah waxa inta badan noqdeen dad la qariyey marka la soo bandhigayo war-saxaafadeedyada iyo waxyaalaha la mid ah ee ku saabsan xaaladda koroonada, oo aan loo samayn turjumida dhegoolayaasha. Døves Media og Supervisuell ayaa sameeyey bog internet oo laga helayo macluumaad ku saabsan koroonada oo ku baxaya af-dhegoolka noorweyjiga ah: tegn.tv/film/coronavirus

Marka laga hadlayo turjumida laga helo NAV, waxay marmar bixiyaan turjumaan goobta imanaya, laakiin sida kale waxay bixiyaan turjumaan shaashad laga arkayo. Go’aanka waxa lagu salaynayaa xaaladda faafitaanka. Waakan macluumaad ka yimi bogga internetka ee NAV, nav.no/no/person/hjelpemidler/nyheter-hele-landet/tolketilbudet-og-smittevern:

Turjumida shaashada ayaa markasta ah doorashada koowaad. Turjumaanka imanaya waxa mar kasta ku xirantahay halista faafitaanka ee ka iman karta shaqo kasta. Shaqooyinka waxa la waafajinayaa talooyinka dawladda ee u dambeeyey ee ku saabsan inta qof ee isu iman karta, iyo in la kala fogaan karo.

NAV Agabka caawinta iyo fududaynta ayaa diyaarisay tilmaamo iyagu isticmaalaan oo ku saabsan keenista iyo fulinta shaqooyinka turjumida ee u baahan in turjumaanku goobta tago, oo markaa buuxinaya shuruudaha ka hortagga faafitaanka.

Adeegga Turjimidda wuxu bixiyaa tabobar la siinayo isticmaalayaasha aan khibrad u lahayn turjumidda shaashadda, waaxanay ku dhiirigelinaysaa inay isticmaalaan fursadaha noocaas ah.

Dadka ka tirsan Bahda Khaniisiinta iyo Jinsiga saddexaad ee qaba hoos-u-dhac laxaad

Haddii aad tahay haweeney haweenka ka hesha, nin ragga ka hela, qof labada jinsi ka hela ama qof jinsiga saddexaad ah, waxa jira qabanqaabooyin internetka ka socda xilligan safmarku socdo oo mawduucyadaas ku saabsan. Waxaad la xiriiri kartaa Skeiv Verden, oo ah urur loogu talogalay dadka khaniisiinta ah ee ka tirsan ajnabiga jiilka koowaad ama labaad, ama Salam, oo ah ururka khaniisiinta muslimka ah. Macluumaad ku saabsan Skeiv Verden oo ku qoran luuqado kale: https://www.skeivverden.no/other-languages. Podcast-ga koroonada ee Salam, «Queerentine»: salamnorge.no/hjem/categories/podcast

Qaxootiga qaba hoos-u-dhac laxaad

Degmooyinku ikhtiyaar ayey u leeyihiin qaxootiga ay dejinayaan degmada, markaa nasiib-darro waxay keentay in qaxootiga qaba hoos-u-dhac laxaad ay inta badan muddo joogaan dheer joogaan kaam waayo degmooyinka ayaa dhibaato dhaqaale u arka in la dejiyo. Dawladdu mararkaas oo kale waxay degmooyinka siisaa kaalmo 5 sanno ah si ay u dejiyaan dadka noocaas ah, halka UDI iyo IMDI soo jeediyeen in laga dhigo 10 sanno: nrk.no/tromsogfinnmark/mener-de-har-losningen-for-flyktninger-som-ingen-vil-bosette-1.15214968. NOAS, Ururka Magangelyo-doonayaas ee Noorway, waxaad ka helaysaa macluumaad klu qoran luuqado kala duwan: noas.no.

Agabka caawimada iyo dib-u-habaynta

Bog guud NAV: NAV waxay samaysay bog guud oo marba la cusboonaysiinayo, oo ka kooban macluumaad ku saabsan qaabka xaaladda koroonadu u saamaysay xarumaha agabka caawintu: nav.no/no/person/hjelpemidler/hva-har-du-vansker-med/nyttig-a-vite/korona-informasjon-fra-nav-hjelpemiddelsentral

Xilliga xayiraada: Suurtagal maaha in loo tago xarumaha agabka caawinta haddii aan lala samaysan balan. Xataa xarumaha baabuurta.  Shaqaalahooda shaqada ku qaban kara xafiis-guriyeed, guriga ayey joogi doonaan. Kiisaska waxa loo maaraynayaa si caadi ah waxaanad la xiriiri kartaa xarunta adoo wacaya.

Sida kale waxa ay NAV bixinaysaa balamo la isticmaalayo fiidyow: kunnskapsbanken.net/nav-tilbyr-konsultasjoner-pa-video/

Adeegyada iyo fursadaha

Dhammaan kulannada isticmaalayaasha, koorasyada, tijaabooyinka iyo tabobarka isticmaalka agabka caawimada ah waxa lagu samaynayaa dib u dhigis ama baajin xilliga la xayiraadu jirto. Isla markaana waxa mudnaantooda la yaraynayaa hawlaha aan aad u muhiim ahayn. Bixinta agabka caawinta waxa inta badan loo bixin doonaa sidii la qorsheeyey, laakiin waxay qaadan kartaa wakhti ka badan intii la rabay.

Dib-u-habayn: Xarumuhu waxay degmooyinka iyo bixiyeyaasha kala shaqeeyaan dib-u-habaynta iyo dayactirka, waxaana loo samaynayaa sida la awoodo.

Saxeexa foomamka

Shuruudka ku saabsan in codsaduhu saxeexo foomka agabka caawimad ah waa la iska dhaafayaa xilliga xayiraada waxaanay khuseysaa:

  • Codsi ku saabsan agabka caawimada ah
  • Dalabka agabka caawimada ah (nidaamka dalabka)
  • Caawimo ku saabsan qiimayn iyo tijaabin
  • Saxeexa degmada xilliga bixinta agabka caawimada ah

Waxa ka reeban kiisaska u baahan ogolaansho iyo aqoonsi laga helo tusalee ahaan mulkiilaha guriga, guddida ama shaqo-bixiyaha. Mararkan oo kale waa in la sameeyo saxeex.

NAV Xarumaha baabuurta

NAV Xarumaha baabuurta waxay xilliga xayiraada yareeyeen kulannada la isu imanayo haddii laga maarmi karo. Meelaha dadka qaabila iyo meelaha lagu sameeyo tijaabooyinka waa la xidhay, isla markaana waxa la baajiyey dhamaan baadhitaannada iyo tijaabooyinka xarumaha baabuurta, kuwa lagu samaynayo meesha isticmaalaha iyo meelaha  kuwa dib u dhiska sameeya.

Dhisida arrimaha koox 2 iyo qalabka gaarka ah waxa loo fulinayaa si caadi ah. Baabuurta waxa loo dhisayaa sida la codsaday/la ogolaaday, si aanay kiisaska baabuurtu  isu taagin.

Maareynta kiiska ilaa la gaadhayo go’aan hordhac ah, warqadda kharashka tagsiga, dib-u-habaynta iyo kormeerka mudaysan waxay u dhacayaan si caadi ah.

Marka laga hadlayo bixinta baabuurta, haddii xarumuhu taraafikadu furnayn: Waxay hore u fasaxeen tusida iyo aqoonsiga baabuurta cusub ee NAV si loo bixin karo baabuurta. Si kastaba intaan la bixin waa in la diyaariyo diiwaangelinta mulkiyada iyo warqadda deynta oo la saxeexay.

Baabuur dhiseyaashu waxay shaqayn doonaan ilaa iyo inta ay awoodaan. Waxay ku dhaqmayaan tilmaamaha ka yimaada Machadka Caafimaadka Dadweynaha si ay uga qaybtaan yaraynta faafitaanka fayrusta koroonada.

Agabka caawinta ee firfircoonida iyo dayactirka

Waxa agabka caawineed ee firfircoonida la siinayaa kuwa ka weyn 26 sanno jir sannadka 2021. Agabka firfircoonida weli waa la dayactiri doonaa inkastoo la xayiray dhaqdhaqaaqa bulshada. Macluumaad kale oo ku saabsan agabka firfircoonida ka akhriso: nav.no/no/person/hjelpemidler/hvor-trenger-du-hjelp/dagligliv-og-fritid/aktivitetshjelpemidler-til-personer-over-26-ar

Cinwaano faa’ido leh

Gaadiid

Haddii aad isticmaasho gaadiidka dadweynaha (bas, T-bane iyo tiriig) waxa muhiim ah inaad ogaato:

  • Dawladda Noorway waxay dadkoo dhan kula talinaysaa inay yareeyaan safarka.
  • Haddii aad ku qasbantahay safar bas ah waa in darawalku sidii hore kuugu dhigo sagxadda taaga ah, laakiin ma kuu jirsan karaan wax ka yar hal mitir haddii ay ku caawinayaan.
  • Basaska caadiga ah ee Oslo ma laha suunka kursiga ama xadhig lagu qabto kursiga lagu socdo. Baska dayuuradaha, tareenka iyo baska masaafadda dheer socda waxay lahaan karaan suunka kursiga ama xadhiga kursiga lagu socdo. Haddii aad u baahantahay in lagaa caawiyo isticmaalkooda, waa inaad wadato qof ku caawiya, ama xiriir la samee Ruter/shirkadda gaadiidka ee ka shaqaysa meeshaada si aad u hesho tagsi.

Macluumaad kale ka akhris bogga Ruter: ruter.no/nyheter/reiserad/?id=14863

Vestfold Kollektivtrafikk (VKT) waxay bogga internetka ku sheegtay inay qofka ka caawinayso soo dejinta sagxadda taaga ah laakiin ma soo dhawaan karaan: vkt.no/nyhetsrom/nyheter/2020/mars/coronavirus-informasjon-til-reisende

Ma qabtaa su’aalo la xiriira gaadiidka guud ee degmadaada ama gobolka waxannu kugula talinaynaa inaad macluumaad ka raadsato boggooda internetka.

Qofka haysta ilmo qaba hoos-u-dhac laxaad

Arrimahan ayaa la arkay xilligii xayiraada:

  • Carruurta qabta baahi daryeel oo weyn waxa la rabay in aanay waayin waxrabarashada markii la xameeyey xayiraad, laakiin qaar badan ayaa waayey.
  • Carruurta haysata go’aan ku saabsan waxbarid gaar ah waxay arrintaas weydey xilligii xayiraada iyo kadib ba. Tan dambe waxa u sabab ahaa in barreyaasha takhsuska leh loo beddelay inay macalimiin u noqdaan fasallo/kooxo kale.
  • Carruurta haysata go’aan ku saabsan nasin iyo qof taageero ah oo ay ka helayaan hay’adda ilaalinta carruurta waxa loo daayey fursadda. Carruurta laxaadku hooseeyo ee haystay go’aan la mid ah waa ay waayeen fursadii.

Isu-duwe iyo qorshe shakhsiyeed

Haddii adiga ama ilmahaagu u baahanyahay adeegyo muddo dheer soconaya oo u baahan in la isku beego, waa in degmada/xaafaddu idin siiso isuduwe laga rabo inaad heshaan la socoshada qofka bukaanka ama isticmaalaha ah, isla markaana hubiyo isla socodsiinta adeegyada iyo horusocodka iyo fulinta qorshaha shakhsiyeed. Tusaalaha adeegyo socon kara muddo dheer oo u baahan kara in la isla socodsiiyo waa: nasinta, caawimada isticmaaluhu maamusho (BPA), kaalkaaliso guri, tabobar ama dib-u-tabobar, caawimo la taaban karo, fududeeye iyo agabka caawimada ah, fiisiyoterabii, u sahlida iskuulka iyo qof taageero ah. (Waa in qofku u baahan yahay labo adeeg ama ka badan.)

Isuduwuhu waa inuu ilaaliyo in qofka hela adeegu uu talo ku yeelan karo adeega la siinayo, waa inuu xoojiyo wadashaqaynta u dhaxaysa adeeg-bixiyeyaasha kala duwan, isla markaana xoojiyo wadashaqaynta adeeg-bixiyaha iyo qofka la siiyo adeega, iyo ehelkiisaba haddii ay meesha soo gelayaan. Carruurta haystay go’aan ku saabsan isuduwe, waxa ay inta badan waayeen adeegaas markii xayiraada la sameeyey bishii maarso.

Ku saabsan qorshaha gaarka ah iyo isuduwaha: helsedirektoratet.no/veiledere/rehabilitering-habilitering-individuell-plan-og-koordinator/individuell-plan-og-koordinator/om-individuell-plan-og-koordinator-formal-og-rettigheter

Bogga internetka ee Abloom, urur gaar ahaan ka shaqeeya arrimaha qoysaska ajnabiga ah iyo carruurta qabta hoos-u-dhac laxaad: www.abloom.no/. Boggooda ku saabsan koroonada: abloom.no/abloom-deltar-i-fellesdugnad-mot-koronaviruset

Macluumaad ka socda Ururka Waalidka Carruurta Naafada Ah

Macluumaadka hoos ku qoran waxa lagu saleeyey bogga wacan ee Ururka Waalidka Carruurta Naafada Ah – www.hbf.no/korona-info:

Waalid badan oo haysta carruur qabta hoos-u-dhac laxaad waxa soo maray xilliyo adag markii bulshada lagu soo rogay xayiraad. Qaar badan waxa loo sheegay in keliya iskuulka, fursadiihii maalinta ama nasintuu la joojiyey, oo waxay noqotay inay iskood isku dayaan inay la socdaan macluumaadka faraha badan ee iska daba imanayey, iyagoo isla markaana caawinaya ilmo u baahan in lala socdo 24/7.

Waxa nala soo xiriiray waalid badan oo werwersan, oo ay u muuqan weydey qaabka loo xalin karo arrintan. Isla markaana qaar badan ayaan la siinin fursado ku saabsan waxbarid ama qaabab kale oo loo maarayn karo xaaladdii ku timi waxbarashada.

Carruurta haystada caawimo isticmaaluhu maamushu (BPA)

Lacagta xanaanaynta

Si aad u heli karto lacagta xanaanaynta, waa in dhammaan qodobadan hoose ku khuseeyaan adiga:

  • Aniga ayaa ka masuul ah daryeelka ilmaha muddada codsigu khuseeyo.
  • Ilmaha waxa lagu soo daweeyey/baadhay cisbitaal ama adeeg caafimaad takhasus ah oo kale.
  • Ilmaha ayaan la joogaa markuu xarun caafimaad ku jiro, ama guriga ayaan joogaa waayo ilmaha ayaa markasta u baahan xanaano.
  • Ilmuhu ma haysto adeeg daryeel ah. Ama ilmuhu wuxu helaa adeeg daryeel oo ah 30 saacadood ama ka yar halkii toddobaad. Shuruudkan waa la iska dhaafi karaa haddii uu jiro diyaargarow ama habeen soo jeed.
  • Waxaan shaqo ku jiray ugu yaraan afar toddobaad. Lacagta xanuunka, lacagta shaqo la’aanta, lacagta waalidka, lacagta uurka, lacagta daryeelka, lacagta xannaanada iyo lacagta tabobarku waxay la simanyihiin lacagta shaqada.
  • Ugu yaraan boqolkiiba 20 ayey hoos u dhacaa dhaqaalaha i soo geli jiray marka xanaaneeyo ilmaha.
  • Dhaqaalahaygu waa ugu yaraan kala badh cadadka gasaasiga ah ee Caymiska Qaranka. (Lacagta shaqo la’aanta, lacagta xanuunka, lacagta waalidka, lacagta xanaanada, iyo lacagta tabobarka waxa loo arkaa inay yihiin dhaqaale qofku shaqaystay.)

(Ilaha laga soo qaatay: NAV)

Iskuulka

Xilligii xayiraada waxa jiray: Hay’adda Agaasinka Caafimaadka tilmaamaheedii ku saabsanaa xiritaanka iskuullada iyo xanaanooyinka carruurtu waxay ka reebeen carruurta iyo dhallinyarada u baahan daryeel dheeraad ah. Waa muhiim in kuwaas la daryeelo:

«Markaa waa in iskuul iyo xanaano kastaa sameeyaan qiimayn ku saabsan qofka la siinayo fursadaas. Arrimaha ka mid noqon kara qiimayntaasi waxay noqon karaan in ay tusaale ahaan qabaan dhibaatooyin laxaad oo ah jidh ahaan ama nafsad ahaan, ay helaan waxqabad caawimo ah iyo wax kale. Si looga hortago faafitaanka waa in degmooyinku si xadidnaan leh u fuliyaan arrintan.»

Waxa nala soo xiriiray waalid badan oo walaacsan, waayo maamule iskuul oo kastaa si gaar ah ayuu u turjuntay tilmaamahaas. Taas darteed waxa dadka soo maray waxyaalo kal duwan:

  • xanaanada/iskuulka/SFO/nasin ayaa si buuxda loo xiray, iyadoo fursad lagu beddelo jirin
  • xanaanada/iskuulka/SF/nasin waxa loo furay carruurta ka mid ah kuwa loogu talogalay
  • xanaanada/iskuulka/SF/nasin waxay u furnaayeen carruurta qabta baahi gaar ah, laakiin shuruudo adag ayaa lagu xiray qofka iman kara iskuulka (maamulaha ayaa sheegi kara in waalidku awoodaan inay daryeelaan ilmaha, iyadoo aanay ku xirnayn waxa waalidku aaminsanyahay)
  • qaar ayaa kaalkaaliye ku caawiyey guriga
  • degmooyinka qaar ayaa sheegay in ay khusayso iskuullada carruurta yaryar keliya
  • dadka qaar ayaa u fahmay in loo baahanyahay in qofku hayo shaqo bulshadu ka maarmi karin iyo carruur qabta baahi daryeel oo weyn si ilmuhu u aadi karo iskuulka. Waxa la moodaa in ay is leekaadeen tirada fasiraada la bixiyey iyo tirada maamulayaasha iskuulku.

Cinwaano faa’ido leh: 

Hay’adda Agaasinka Waxbarashada: udir.no/kvalitet-og-kompetanse/sikkerhet-og-beredskap/informasjon-om-koronaviruset

NAKU (Bulshada aqoonta ku saabsan dib-u-dhac garaad ee Qaran) waxa ay Hay’adda Agaasinka la sameeyeen tilmaame loogu talogalay dib-u-dhac garaad, laakiin isla markaana khuseeya carruurta kale ee u baahan daryeel iyo caawimo badan. Bogga macluumaadka NAKU ee ku saabsan dadka qaba dib u dhac garaad iyo fayrusta koroonada: naku.no/node/7959

Tilmaamaha ehelka ee ay samaysay Hay’adda Agaasinka Daryeelku: helsedirektoratet.no/veiledere/parorendeveileder

Waxbarid

Carruur badan ayaa si gaar ah wax loo bari jiray xilligii xayiraada, oo markaa xaq ayey u leeyihiin in la siiyo waxbarid loogu talogalay xataa haddii ay leeyihiin iskuul guri. Iskuullada qaarkood ayaa waxbarida ardaydaas si wacan u fuliyey, halka ay iskuulo sidaas oo kale yeelin.

Bogga internetka ee Hay’adda Agaasinka Waxbarashada waxa ku qoran:

«Mulkilayaasha iskuulka ayaa ka masuul ah in ardaydu hesho waxbarid. Markaa waa in iskuulladu ilaa xad ku dedaalaan in ardaydu waxbarashada iskuulka ku qaban karto guriga.»

Haddii ilmahaagu helin qorshe waxbarid oo u gaar ah, la xiriir maamulaha ama barreha gaarka ah oo u tilmaan bogga hay’adda agaasinka waxbarashada, si ilmuhu u heli karo waxbarid ku filan oo loo habeeyey.

Gaadiidka lagu aado xanaanada/iskuulka/nasinta

Carruur badan ayaa la qabsatay darwaliin joogto ah. Xilliga safmarka darawaliin badan ayaa rabin inay ilmaha ku xiraan kursiga lagu socdo ama suunka kursiga iyagoo ka cabsanaya faafitaanka. Taasi waxay keentay in waalid badan iskood ku kaxaystaan baabuurka. In qofka loo celin karo kharashka, iyo halka loo diri karo xisaabta, waa in qofku weydiiyo degmadiisa.

Lacagta daryeelka (maalmaha ilmaha «ilmo buka»)

Waalidku waxay heli karaan lacagta daryeelka si ay ilmaha ula joogaan guriga marka iskuullada iyo xanaanooyinku waddanka oo dhan la xidho.  Laakiin xaaladda ku saabsan faafitaanka ayaa ah mid aan weli cadayn isla markaana waxa qofka ka dhamaan kara maalmaha daryeelka. Tirada maalmaha daryeelka ayaa labalaab laga dhigay sannadka 2020, lamana oga in sidaas si la mid ah la yeeli doono sannadka 2021.

Si waalidka haya shaqooyin bulshadu ka maarmin loogu fudeeyo inay sii wadaan shaqada muhiimka ah, waxa suurtagal noqonaya in labada waalid isku wareejiyaan maalmaha lacagta daryeelka. Sababo farsamo darteed waxa fursaddan laga dhigay mid guud, laakiin waxa qofka lagu dhiirigelinayaa inuu isticmaalo fursadaas si loo ilaaliyo sii socodka shaqooyinka bulshadu ka maarmin.

Ku saabsan lacagta daryeelka sannadka 2020: regjeringen.no/no/aktuelt/foreldres-rett-til-omsorgspenger-dobles/id2694342/

Adeegyada degmada (xanaano carruureed, iskuul, nasin, fursad maalmeed)

Carruurta u baahan taageero iyo gacan-siin dheeraad ah (ama caawimo caafimaad) markay joogaan xanaanada ama iskuulka waxay weli u baahanyihiin arrimahaas haddii ay guriga joogayaan.

Degmada ayaa ka masuul ah inay bixiyaan taakulo ilaalinaysa in ilmaha iyo qoysku helaan taageerada ay u baahanyihiin inkastoo laga joojiyey adeega, isla markaana waa in la tixgeliyo qaabka loo bixinayo taakulada si carruurta looga ilaaliyo qaaditaanka fayrusta maadaama carruur badan oo kuwaas ka mid ah yihiin kuwo nugul.

Si loo helo xalal wacan waxa muhiim noqonaya in wadahadal  iyo wadashaqayn dhow lala yeesho ehelka si loo arko xalalka macquulka ah, loona diyaariyo qorshihii lagu qaban lahaa shaqadaas. Waxa wacan in qorshuhu ka kobnaado qodobo wax ka sheegaya waxa taakulado ka koobnaan doonto, goobaha lagu qaban doono, iyo dadka iyo ka qaybgalayaasha bixinaya taakulada.

Degmooyinka ayaa ka masuul ah in la sameeyo nidaam wacan oo lagaga hortago faafitaanka, isla markaana degmooyinka waxa lagula talinayaa inay diyaargarowga wax ka beddelaan xilliga safmarka, si loo yareeyo dadka qofku la macaamilayo. In fayrusta koroonadu soo gaadhay Noorway waxay ahayd xaalad cusub oo aan dadku u baran, laakiin waxa xaqiiq ah in degmooyinku ka masuulyihiin shacabka ddegmada.

Haddii degmada ama xaafadu iskood kula soo xiriiri waayaan, la xiriir si aad u dhegaysato fursadaha ay siin karaan adiga iyo qoyskaaga.

Kaalmada daryeelka – «Degmada ma ka heli karaa kaalmo daryeel oo dheeraad ah haddii iskuulkii ama xaruntii maalinta la xiray»?

Waalidka qaar ayaa kaalmo daryeel ka hela degmada. Hal xal waxa uu noqon karaa in la codsado in la kordhiyo saacadaha, inkastoo aanay ku filnayn mushaarka qofka ka baaqanaya haddii uu fasax ka qaato shaqada.

Degmada ayaa go’aan ka gaari kara arrintan – xeerarka iyo tilmaamaha Hay’adda Agaasinka Caafimaadka ama hay’addaha dawladda ee kale waxba kama sheegin arrintaas. Waxa kale oo aannu ognahay in ay wakhti dheer qaadanayso in go’aan laga gaadho codsiyada noocaas ah.

Carruurta haysata carruur guriga degan oo ka weyn 18 sanno oo waayey booskii iskuulka ama fursadii maalinta

Waalidkani ilaa hadda ma haystaan xuquuq u gaar ah oo ku saabsan inay ilmaha ku hayaan guriga. Marka ilmuhu gaaraan 18 sanno jir, waalidku marka la eego sharciga ma laha masuuliyadda waalid ee sharciga ku salaysan. Dhibtu waxa weeye in ay yar yihiin degmooyin nidaam caawin ah u haya dadka noocan ah. Waalidka ayaa ku qasban, isla markaana qaata masuuliyadda, laakiin waxay ku qasban yihiin in ay fasax ka qaataan shaqada ama ay rajeeyaan in shaqo-bixiyuhu u sahlo wakhtuga shaqada. Waxa kale oo la codsan karaa caawimada isticmaaluhu maamulanayo (BPA) ama adeegyo kale.